Al-Shabaabkii ugu badnaa oo soo buux dhaafiyay Shabellada Dhexe

Wararka ayaa sheegaya in al-Shabaabkii ugu badnaa ay soo buux dhaafiyeen aagga degmada Mahadaay ee gobolka Shabellada Dhexe ee Dowlad Goboleedka HirShabelle, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Dagaalamayaasha al-Shabaab ee gaaray halkaasi ayaa lasoo wariyay inay kasoo firaxadeen dagaalka ka socdeen gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xubnaha Al-Shabaab ay fariisimo cusub ka sameysteen deegaanno dhaca Jiinka Wabiga Shabelle oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kooxda ayaa dareentay culeys wayn oo uga imaanaya howlgallada ka socda Hiiraan oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee Macaswiileyda.

Xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa deegaannada lagu arkay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo horay looga saaray qaybo badan oo kamid ah Shabeelaha Dhexe, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi.

Dhinaca kale ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo ka war helay arrintan ayaa la sheegayaa inay u ruuqaansadeen dhinacaa iyo magaalada Mahadaay, si ay uga hortagaan is uruursiga Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa cabsi xooggan ka muujinayo in uu dagaal ka dhaco halkaasi, maadaama ay soo korortay xaalad cusub oo ku aadan soo laabashada Al-Shabaab.

HirShabelle ayaa waxaa haatan ka socda guluf ka dhan ah argagixisada, waxaana ujeedka uu yahay in laga xoreeyo deegaannada ay ka joogaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *