Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Buurhakabo

Buurhakabo – sida ay sheegayaan wararka waaberigii hore ee arbacada saaka ah ayaa dagaal yahanada Al-Shabaab waxa ay weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ku qaadeen xero ciidan oo ay leeyihiin ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed, taasoo ku taalla duleedka degmada Buurhakabo ee gobolka Baay.

Wararka ayaa intaa ku darayo in dagaalka oo socday in ka badan labo saacadood uu sababay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Goob-joogayaal ku sugan degmada Buurhakabo ayaa xaqiijiyay in ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed uu soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana la xaqiijiyay in tiro askar ah iyo saraakiil ay ku dhinteen weerarkaasi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Taliye ku xigeenkii Ciidanka Daraawiishta Degmada Buurhakabo, Cismaan Kaarabiin, uu ka mid yahay dadka ku dhintay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen xerada ciidamada ee duleedka degmadaasi.

Ma jiraan ilaa hadda warar madax bannaan oo ka soo baxay dhanka maamulka Koonfur Galbeed ama dowladda federaalka oo faahfaahin rasmi ah ka bixinaya weerarkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *