Agasinka Madaxtooyada Qaranka oo la isku shaandeeyay maata

Isbedel iyo isku shaandheyn ayaa maanta lagu sameeyay shaqaalaha agaasinka madaxtooyada qaranka ee villa Soomaalia ee magaalada caasimada ah ee Muqeisho iyada oo xilalka loo kala badalay qaar kamid ah Agaasimayaasha Madaxtooyada lana magacaabay Agaasameyaal cusub.

Waxaa Agaasimahan Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta loo magacaabay Maxamedn Aadan Maxamed (Dugoow), oo horay u ahaa Agaasimaha Arrimaha Bulshada Madaxtooyada. Halka Agaasimaha Arrimaha Bulshada loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Xasan Xudeyfi oo horay u ahaa Afhayeenka iyo ku simaha Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada. Waxaa Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana) loo magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada.

Samatar Shariif Axmed oo horay u ahaa Agaasimaha Waaxda Adeegga Guud ayaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Iibka halka halka jagadaas loo magacaabay Xuseen Yuusuf Cali (Ladane) oo noqon doona Agaasimaha cusub ee Waaxda Adeegga Guud.
Sidoo kale Ladan Cabdikhayr Cilmi loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda, halka Mowliid Ibraahin Xasan ayaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda La Socodka iyo Qiimeynta (M&E).

Ugu danbeyn Waxaa Mohamed Salad Ahmed (Barre) loo magacaabay Madaxa Xafiiska Agaasimaha Guud Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *