Boosaaso – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa duqeyn cirka ah ku beegsaday xubno ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Daacish, meel ku dhow 70 kiiloomitir Koonfur-Bari uga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Duqeyntan ayaa qeyb ka ahayd howlgal wadajir ah oo lagu taageerayo ciidamada Daraawiishta Puntland, iyadoo la doonayo in lagu baabi’iyo kooxaha argagixisada ah ee khatarta ku haya amniga gudaha iyo gobolka guud ahaan.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wali la uruurinayo xogta la xiriirta khasaaraha ka dhashay duqeynta, iyadoo aysan jirin illaa hadda warar madax-bannaan oo xaqiijinaya tirada dhimasho ama dhaawac ee kooxda lagu qaaday.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn u soo dhoweynaysaa iskaashiga adag ee ay la leedahay Dowladda Mareykanka iyo saaxiibada caalamiga ah ee dhinaca amniga, si looga hortago kooxaha argagixisada ah ee carqaladeynaya xasilloonida Soomaaliya iyo tan gobolka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Dowladdu waxay xustay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta amni ee caalamiga ah, iyadoo bogaadisay kaalinta Mareykanka ee ku aaddan xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida dalka.
Dhanka kale, Maamulka Puntland oo ka taliya deegaannada duqeyntu ka dhacday weli kama uusan hadlin howlgalka AFRICOM, mana jirto war rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda Garowe oo ku saabsan tallaabadan millatari.