AUSSOM iyo Denmark oo ka wada hadlay maalgelinta iyo xoojinta howlgalka Soomaaliya.

Danjire Mouktar Osman Karie, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Ku-simaha Madaxa Hawlgalka AUSSOM,   oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka AUSSOM, Sarreeye Guud Sam Kavuma, ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Safaaradda Denmark ee Soomaaliya.

Wafdiga Denmark waxaa hoggaaminayay Ku-xigeenka Safiirka ahna Madaxa Iskaashiga, Bjørn Rønhof Qvortrup, waxaana sidoo kale ka mid ahayd Madaxa Kooxda Siyaasadda iyo Xasilinta, Anna Brostrøm Hansen.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimada howlgalka nabad ilaalinta AUSSOM, doorka ay ku leedahay amaanka qaranka Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa maalgelin joogto ah oo lagu taageero howlgalka, arrimaha mudnaanta u leh labada dhinac iyo iskaashiga socda ee dhinacyada amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay hababka lagu xoojin karo wada-shaqeynta iyo taageerada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Danjire Mouktar Osman Karie ayaa Denmark uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Midowga Afrika, halka wafdiga Denmark uu bogaadiyay howlaha Midowga Afrika iyo doorka AUSSOM ee taageerada geeddi-socodka ay Soomaaliya hoggaamineyso ee dhinacyada nabadda, amniga iyo xasilloonida.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli AUSSOM ay waddo dadaallo lagu xoojinayo taageerada caalamiga ah iyo maalgelinta howlgalka, kaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu taageerayo ciidamada iyo hay’adaha amniga Soomaaliya si looga fogaado firaaq amni.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *