Raysal Wasaare Xamse oo Qaabilay Safiirka Masar

Muqdisho: Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mr. Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Carbeed ee Masar u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Saalax Xasan Keshtaax.

Kulanka ayaa si faah-faahsan looga wada hadlay danaha muhiimka ah ee labada dal ee walaaha ah, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan dhanka caafimaadka iyo tamarta.

Raysall Wasaare Xamsa, ayaa dowladda Masar ku bogaadiyay waxgalnimadeeda iyo hiilkeeda aan isbaddelin ee ay la barbar taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isaga oo intaas ku daray in si buuxda loo soo celiyay nabaddii iyo amnigii qeybo badan oo ka mid ah dalka, haddana ay Soomaaliya diyaar u tahay maalgashi toos ah oo lagu sameeyo kaabayaasha kala duwan ee dalku leeyahay.

Danjiraha Masar Mudane Maxamed Saalax, ayaa Raysall Wasaaraha uga mahadceliyey qaabilaadda, wuxuuna sheegay in dowladda Masar ay sii xoojin doonto heshiisyadii iskaashi ee horey loo galay ee diiradda saarayay dhinacyada muhiimka u ah danaha labada dal.

Mudane Xamsa ayaa ugu dambayntii ka warbixiyay xaaladda bini’aadannimo ee ka taagan qeybo kamid ah dalka, iyada oo ay baaqdeen roobabkii deyrta, taas oo saameyn ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada ku dhaqan gobollo badan oo kamid ah dalka.

3 thoughts on “Raysal Wasaare Xamse oo Qaabilay Safiirka Masar

  1. Alright, so I stumbled upon 66fwin the other day, and I gotta say, I’m impressed. The interface is slick and easy to navigate, and they got a solid selection of games. I even landed a decent win last night! Give it a shot, you might get lucky too. Check it out: 66fwin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *