Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo Muqdisho ku qabatay shir looga hadlayo ka hortagga askareynta carruurta

Muqdisho (Wargeyska.net) Wasaarada Gaashaandhiga ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliyeed ayaa manta Magaalada Muqdisho ku qabatay shir heer sare ah oo looga hadlaayay askareynta caruurta.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, ayaa maanta gudoomiyay shirka Guddiga Isku-dhafka Wasaaradaha ee ilaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha hubeysan.’

Shirka oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka socday wasaaradaha dowladda iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa lagu falanqeeyay xoojinta iskaashiga iyo hirgelinta qorshayaasha lagu difaacayo badqabka carruurta Soomaaliyeed ee ay saameeyeen colaadaha.

Xoghayaha Joogtada ah ayaa sheegay in Wasaaraddu ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda carruurta, isagoo ku baaqay in la mideeyo dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo difaaca carruurta Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *