Wasiirka Gaashaandhiga Soomalia oo Muqdisho ku qaabilay dhigiisa boqortooyada Sweden

Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay dhiggiisa Boqortooyada Sweden, Mudane Pål Jonson oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, iyo taageerada dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sweden dhinacyada kala duwan ee ay Soomaaliya ka caawiyaan, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu ku saleysan yahay iskaashi saaxiibtinimo iyo dan guud oo ku wajahan xasillinta gobolka.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga  Sweden ayaa ku ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka ay ku bixineyso sugidda nabadda iyo guulaha ay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, isagoo ballan qaaday in dalkiisu sii wadi doono taageerada  iyo horumarinta xirfadda ciidamada Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *