Muqdisho – Madaxda isbahaysiga mucaaradka ee Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan soo dhaweyn ah ugu sameeyay Nabadoon Xuseen Xaadoole, kaasoo muddo 33 maalmood ah u xirnaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka oo ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa hadal ka jeediyay xildhibaan Cabdirahmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka tirsan mucaaradka, wuxuuna si adag u dhaliilay tallaabooyinka dowladda ee lagu beegsanayo dadka shacabka ah, gaar ahaan kuwa laga barakiciyay dhulka danta guud.
“Marnaba kama daali doonno garab istaagga dadka ay dhibaatada u geysanayso dowladda federaalka. Waa mas’uuliyaddeenna in aan la jirno kuwa la dulmiyay, waana mid ka mid ah sababaha aan u taaganahay Samatabixin dhab ah,” ayuu yiri Cabdirahmaan Cabdishakuur.
Soo dhaweynta Nabadoon Xaadoole ayaa timid kadib markii uu si cad uga soo horjeestay barakicintii dowladda ku samaysay dadka ku noolaa dhulalka loo aqoonsaday danta guud, arrintaas oo keentay in muddo bil ku dhow lagu xiro xabsiyada dowladda.
Isbahaysiga mucaaradka ee Samatabixinta ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay kulamo joogto ah la yeelanayay qoysaska barakacayaasha ah iyo kuwa dhibaatada kala kulmay dowladda.



Greetings! Been using 289winbet for a couple of weeks now. Good range of bets and the odds are competitive. I might even keep playing there often 289winbet.
8sbet’s got a decent interface and a good range of games. I did alright there to be frank. 8sbet might be your next goto.
Trying out Milyon88demo. It’s just a demo so far, but looks promising! Hoping they launch the real deal soon! milyon88demo