Soomaaliya oo ciidamada Itoobiya ku eedeysay xadgudub ay kula kaceen ciidmadeeda

Ka dib weerarki saakay ee ciidamada Itoobiya ku qaadeen kuwa dowlada federaalka ah ee Soomaaliya eek u sugnaa degmada dooloow ee Gobolka Gedo, Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysay falka xadgudubka ah ee maanta ay Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow ee Soomaaliya.

Saaka abaare 10:00AM, ayaa Ciidamada Dowladda Itoobiya weerar lama filaan ah kusoo qaadeen fariisimo ay Ciidanka Qaranka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo kaasoo ahaa mid qorsheyn laguna fuliyay saldhigyadii ciidmada militariga, booliska iyo kuwa nabad sugida ee NISA [National Intelligence and Security Agency] forces.

 Nasiib-darro, intii uu weerarku socday, Ciidamada Itoobiya ayaa dil iyo dhaawac u geystay xubno ka tirsan ciidamada Soomaaliya ee ku sugnaa xarumahaasi, Sidoo kale waxay waxyeello gaarsiiyeen muwaadiniin rayid ah oo goobta ku sugnaa.

Falkan waxaa lagu soo beegay xilli Dawladda Soomaaliya ay ku jirto dadaallo nabadeed oo lagu xoojinayo heshiiskii Ankara, iyadoo isla maanta wafdi sare u dirtay magaalada Addis Ababa, Nasiib-darro, ficiladan ka yimid dhanka Itoobiya waa kuwo si cad ugu xadgudbaya heshiiskii Ankara, Axdiga Midowga Afrika, qawaaniinta Qaramada Midoobay, iyo dhaqanka deris-wanaagga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *