Kismaayo – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta hadal kulul oo dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay arrimo la xiriira qorshe madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah madaxda dowlad-goboleedyada ay wadaan, kaas oo ku saabsan dhismaha xisbi siyaasadeed oo ballaaran.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa si gaar ah u dhaliilay hannaanka siyaasadeed ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay inuusan marnaba aqbali doonin waxyaabaha uu horey uga diiday madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
“Xasanow, marka hore is dhageyso, dhageyso hadalladaadii shalay iyo kuwa maanta. Aniga kaama aqbalayo waxyaabihii aan shalay ka wada diidnay Farmaajo. Maanta ma aqbalayo adiga inaad iigu timaaddo wax shalay la isku diidanaa,” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.
Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay inuu ogyahay abaabul siyaasadeed oo ay wado Madaxtooyada Soomaaliya, kaas oo la doonayo in lagu dhiso xisbi siyaasadeed weyn oo la mid ah Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ee dowladdii Maxamed Siyaad Barre.
“Waxay rabaan inay dhisaan xisbigii kacaanka oo kale, laakiin ma hayaan awooddii dowladdu hayn jirtay. Xaggee buu xisbi ka shaqeyn karaa iyadoo aysan dowladda gacanta ku haynin dalka oo dhan? Iyaga ayaa hadda isku haysta yaa guddoomiye ka noqonaya iyo yaa ku xigeen. Xisbigii kacaanka waxaa dhisay dowlad dalka oo dhan gacanta ku haysay, kuwanna maxay hayaan?” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in uu la fariisto madaxda dowladda Federaalka si looga gudbo ismariwaaga siyaasadeed ee ka jira dalka. Wuxuu xusay in Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ay sidoo kale diyaar u yihiin wadahadal dhab ah.
“Anigu diyaar ayaan u ahay inaan la fariisto madaxda dowladda, waxaana qabaa in wadahadal uun lagu xallin karo khilaafaadka jira. Ma jiro qabiil awood ku muquunin kara qabiil kale; dagaaladii sokeeye waxba kama tarin cidna. Sidaas darteed, haddii aad diyaar u tahay wadahadal madaxweyne, anigu diyaar baan ahay, gogoshana waa fidsan tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.
Hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Jubbaland ayaa imaanaya xilli warar isa soo taraya ay muujinayaan in Villa Soomaaliya iyo qaar kamid ah madaxda dowlad-goboleedyada ay wadaan qorshe lagu dhisayo xisbi siyaasadeed oo qaran, kaas oo lagu wajahayo doorashooyinka mustaqbalka.