Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo booqday magaalada Eldoret

ELDORET, KENYA – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Mudane Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa booqasho rasmi ah oo taariikhi ah ku tagay magaalada Eldoret, oo ka tirsan gobolka Rift Valley ee dalka Kenya. Eldoret, oo ah magaalada shanaad ee ugu weyn Kenya, ayaa caan ku ah jaaliyad Soomaaliyeed oo si weyn ugu lug leh nolosha dhaqaale iyo ganacsi ee magaalada.

Danjiraha iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka socda safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayaa kormeeray suuqyada waaweyn ee magaalada, gaar ahaan suuqa Islii-Yareey oo ah xarun ganacsi muhiim ah oo ay gacanta ku hayaan ganacsatada Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale booqdeen xarumo ganacsi oo waaweyn, halkaas oo ay kula kulmeen ganacsato Soomaaliyeed oo ganacsigoodu ku fido xuduudaha, iyagoo dhoofiya shidaal iyo badeecooyin kale oo loo qaado dalalka deriska ah sida South Sudan, Rwanda, Suudaan iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Intii ay booqashadu socotay, Danjire Jibriil ayaa kulan la qaatay madaxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Eldoret. Kulankaas ayaa lagu falanqeeyay xaaladda guud ee jaaliyadda, caqabadaha horyaalla, gaar ahaan arrimaha socdaalka iyo ganacsiga. Waxaa lagu heshiiyay in la dhiso guddi joogto ah oo xiriir toos ah la yeesha safaaradda si loo dardar-geliyo xal u helista arrimaha taagan.

Habeenkii xigay, xaflad ballaaran oo lagu maamuusayey booqashada Danjiraha ayaa ka dhacday magaalada Eldoret. Munaasabaddaasi oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa muujisay taageerada iyo dareenka farxadeed ee ay jaaliyaddu u qabto booqashada mas’uulka sare ee Soomaaliyeed. Madaxda jaaliyadda ayaa tilmaamay in tani tahay booqashadii ugu horreysay ee noocan ah oo ay helaan, taasoo ah tallaabo dhiirrigelin u ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolkaas.

Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa uga mahadceliyay maamulka gobolka iyo kan magaalada Eldoret sida diirran ee loogu soo dhaweeyay, isaga oo carabka ku adkeeyay in xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu marayo heer wanaagsan. Wuxuu xusay in safaaradda Soomaaliya ay ka go’an tahay taageeridda iyo u adeegidda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha Kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *