Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diriye (Yabooh) ayaa guddoomiyay shir looga hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan Saraakiisha Amniga Caasimada Qeybahooda kala duwan.
Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Mumin iyo Taliyaha Nabad sugida Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Cabdifataax Shaaweeye ayaa shirka kusoo bandhigay warbixin ku aadan horumarada dhinaca Amniga ee Caasimadda Muqdisho iyo qorshaha sugida Amniga inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐃𝐢𝐢𝐫𝐢𝐲𝐞 (𝐘𝐚𝐛𝐨𝐨𝐡) ayaa Saraakiisha Qeybaha iyo Fadhiyada kala duwan ee Booliiska, Nabad Sugida iyo Booliisiya Miletare ku booriyay adkeynta Amniga iyo xoojinta wada-shaqeynta bulshada si loo xaqiijiyo dadaallada kor loogu qaadayo amaanka guud ee dalka.