Golaha Wasiirrada oo ansixiyeen heshiisyo ay wada galeen Soomaaliya iyo Azerbaijan 

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu ansixiyey laba heshiis oo ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Aserbajaan, kuwaas oo ku saabsan dhinacyada Waxbarashada, Tababarrada iyo Tamarta.

Heshiisyada is-afgarad ee ay wada gaareen Soomaaliya iyo Aserbajaan, ayaa wax weyn ka tari doonaa horumarinta dhinacyada Waxbarashada, Tamarta iyo tayeynta xirfadaha.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyey Ciidamada geesiyaasha ah ee Dowlad goboleedka Puntland, kuwaas oo guulo waaweyn ka gaaray jab xooggana gaarsiiyey kooxda Khawaarijta Daacisha ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *