Ka dib xaflad lagu qabtay magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Goboleedka HirShabelle maanta, 19 January 2025, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta u soo xiray tababar muddo dheer u socday dufcadii 2-aad ee Daraawiishta Hirshabeelle kuwaas oo qeyb ka noqonaya Booliiska Hirshabeelle.
Munaasabadda tababarka lagusoo gabogabeynayey waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda Amniga Guddaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Hirshabeelle.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa kula dardaarmay ku dhawaad 300 oo askari ee maanta tababarka loosoo afmeeray in ay dhowraan sharafka iyo karaamada shacabka Hirshabeelle.