Wafdi uu hogaaminaayo wasiirka amniga ee Soomaaliya oo gaaray Ciraaq

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Abdalla Abdalla iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq.

Wafdiga waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay magaalada, Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas Ridwaan Xirsi Maxamed iyo Ziad Taha Ali, oo ah Lataliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Ciraaq.

Safarkan ayaa qeyb ka ah xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan dhinacyada iskaashiga amniga iyo la dagaallanka argagixisada, iyada oo wafdigu la kulmi doono mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Ciraaq.

Wasiirka ayaa lagu wadaa inuu kulan la yeesho dhigiisa dalkaasi ciraaq isagoo kala hadli doona xoojinta iskaashi dhex mara labada dhinac iyo sidii looga wada shaqayn lahaa dhanka amaanka iyo la dagaalanka argagixisada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *