Dibad bax ka dhan ah Dowladda Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Kismaayo

Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay Magaalada Kismaayo, caasimadda Dowlad Goboleedka Jubbaland manta 12 January 2025 halkaasoo ay ku qabteen banan bax looga soo horjeedo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dadweynaha ayaa ku dhawaaqayay oraahyo looga soo horjeedo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Madaxweeyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Qaar kamid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaainta ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna ku eedeeyeen inuu dalka isku wadi waayey.

Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen inuu is casilo, maadaama bey yiraahdeen uu ku fashilmay xukunkii loo igmaday.

Si kastaba, dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa waxaa weli ka dhexeeya khilaaf ka dhashay dib u doorashadii Axmed Madoobe, kaas oo xittaa isku rogay gacan ka hadal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *