Iyadoo ka duuleysa yaraynta saameynta ay yeelatay abaartki El-Nino ee dalka qeybo badan oo ka mid ah ku dhufatay, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa gargaar ben’aadannimo oo isugu jira nuucyada kala duwan ee raashinka gaarsiisay magaalada Laasacaanood ee xarunta gobolka Sool.
Deeqdan oo loogu tala-galay ku dhawaad 20,000 oo qoys, oo ah dadka nugul ee ku dhaqan gudaha magaalada iyo degaannada ku hareereysan ayaa lagu wareejiyay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dadka Soomaaliyeed ee wax heysta ugu baaqay in ay garab istaagaan bulshada jilicsan ee abaaruhu saameeyeen, isagoo si weyn ugu mahad-celiyay Dowladda Shiinaha oo dalka keentay gargaarka maanta gaaray magaalada Laasacaanood.


