Ciidanka Xooga Dalka oo weerary fariisimo al-Shabab ku sugnaayeen

Ciidanka Xoogga dalka ayaa weerar xoog leh ku qaaday fariisimo ay al-Shabab ku leeyihiin qeybo ka mid ah Gobolka Bakool ee Dowlad Goboleedka Koonfurgalbeed  

Howgalka ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay  Ururka 96-aad, Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dhawaan Tababar loogu soo xiray laguna qalabeeyay Magaalada Xudur.

Degaanno badan oo dhaca Gobolka Bakool, ayay sheegeen saraakiisha Ciidankaasi inay ka sameeyeen weeraro ay la beegsadeen saldhigyo ay halkaa ku lahayeen al-Shabab..

 Howlgaladan ayay ka fuliyeen tuulooyinka kala ah Banjinaay, aboore ilaa teed oo udhaxeeya Degmooyinka Xudur iyo Ceel-berde.

Howlgalkaas waxaa hoggaaminayay Taliye Ku-xigeenka Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Dhamme Cilmi Aadan Isxaaq, waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Taliyaha Ururka 96-aad ee Guutada 9-aad Dhamme Dhaahir Maxamed.

Khasaaraha ka dhashay intii howgalku socday lama sheegin, balse waxaa la aaminsan yahay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac wac leh, maaddaama Ciidanku ay ka dul tageen fariisimihii As ee degaanadaaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *