Dowladda oo ciidamo hor leh geeysay Degmada Ceeldheer

Wararka la helayo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliyeed geysay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ee dowlad-goboleedka Galmudug. Ciidamada halkaa la geeyay ayaa wararku sheegayaan in loogu talo galay inay si ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga degmada oo ay horay u hayeen ciidamada xoogga dalka.

Ciidamadan ayaa loo xil saaray sugidda amniga iyo ilaalinta xarumaha muhiimka ah, iyadoo tallaabadan qeyb ka tahay qorshe lagu xoojinayo nabadgelyada deegaanka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Dowladda Federaalka ayaa qorsheynaysa in ciidamo boolis ah la geeyo degmooyin dhowaan laga saaray gacanta Al-Shabaab, iyadoo dib u habeyn lagu sameeyay saldhigyada iyo goobaha ay ciidamadaasi ka howlgalayaan.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ay ku doonayso in ciidamada booliska ay si weyn uga qeyb qaataan sugidda amniga deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab, halka ciidamada militariga loo diyaarinayo howlo kale oo la xiriira dagaalka.

Dowladda ayaa qorsheyneysa in ciidamada xoogga dalka loo wareejiyo furimaha hore ee dagaalka, si ay u dardargeliyaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo howl-gallada lagu doonayo in lagu xoojiyo ammaanka deegaanada ku dhow goobaha dagaalka.

Tallaabadan ayaa sidoo kale ku soo beegmeysa xilli ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay muddooyinkii dambe u diyaar garoobayeen inay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo ciidamada Midowga Afrika ee howl-galka AUSSOM ay qorsheynayaan inay yareeyaan ama soo afjaraan joogitaankooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *