Muqdisho: Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday Hagaha Hirgelinta Road Map ka ee 2025, kaas oo lagu xoojinayo ilaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha hubeysan.
Hagahan ayaa waxaa wada saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, iyo Wakiilka Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Sandra Latouff.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in tallaabadan ay muujinayso horumar la taaban karo oo ay Soomaaliya ka sameysay dib-u-habaynta qaranka, isla markaana ay xoojinayso isla-xisaabtanka hay’adaha ammaanka, gaar ahaan kuwa ku lugta leh ilaalinta xuquuqda carruurta xilliyada colaadaha.
Sidoo kale, heshiiskan ayaa salka ku haya guulo la gaaray sannadihii u dambeeyay, wuxuuna caddeyn u yahay go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah inay u hoggaansanto waajibaadkeeda caalamiga ah, ka hortagto xadgudubyada culus ee lagula kaco carruurta, isla markaana ay si dhow ula shaqeyso bah-wadaagta caalamiga ah si loo helo ilaalin waarta iyo xasillooni muddo dheer ah.
Munaasabadda saxiixa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Guddiga Wasiirrada Isku-dhafka ah ee Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan (CAAC), kuwaas oo ka kala socday Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga Gudaha, Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, iyo Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha.
Mas’uuliyiinta ka qeyb galay munaasabadda ayaa carrabka ku adkeeyay in hirgelinta hagahan ay door muhiim ah ka qaadan doonto yareynta dhibaatada colaadaha ku haya carruurta Soomaaliyeed, isla markaana ay gacan ka geysan doonto dhismaha mustaqbal nabdoon oo waara.



Alright, so I stumbled upon 12betaffiliate, and honestly, it’s a solid affiliate program. Seems legit and has some decent offers. If you are tryna make some bread on the side, find it here: 12betaffiliate
Yo, 58win1vip, heard about this site from a buddy. Gave it a look, seems decent enough. I’d say give it a try: 58win1vip
Thinking about trying jogar blaze tonight. Is it worth the hype? Maybe I’ll win some money for a picanha. Fingers crossed! jogar blaze
Alright, checking ket qua 9 net again! Gotta see if my numbers came up. Wish me luck, folks! Maybe tomorrow I’ll win big time. ket qua 9 net
What’s up, found out ‘888 bet aposta grátis’ is really cool now. Great selection of games and easy to browse. Let’s explore 888 bet aposta grátis and feel them