Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii loo mideyn lahaa taageerada caalamiga ah, kaas oo qeyb ka ahaa Madasha Dooxa ee siyaasadda iyo amniga.
Madaxweynaha ayaa kulnka ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgalay ee Soomaaliya ay ku xaqiijinayso xasilloonida, amniga iyo dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, isagoo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay dagaal dhanka milatariga, dhaqaalaha iyo fikirka ah kula jiraan argagixiso caalami ah oo ku soo duushay dalkeenna.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka hadlay hirgelinta doorashooyinka tooska ah oo meel wanaagsan maraya iyo muhiimadda ay leedahay dhammaystirka Dastuurka dalka oo aas-aas u ah dowladnimada, waxa uuna ku boorriyay beesha caalamka in taageeradooda ay noqoto mid isku duuban oo waafaqsan Qorshaha Qaran ee Soomaaliya.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyey sida shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay dhismaha dowlad adkaysi leh oo ku dhisan sharciyad, amni iyo horumar, isagoo uga mahadceliyey saaxiibada caalamka taageeradooda joogtada ah.






Is jlsss worth checking it out? Seriously, I’m bombarded with options nowadays. Does it actually offer something different, or is it just another clone? All opinions welcome! jlsss
789be89 is pretty new to me, but so far, I’m not disappointed. The odds are competitive and their mobile site is surprisingly well optimized. You can try 789be89 easily from your phone.
Golden Empire game is pretty cool! I’m really enjoying playing it! Check it out here: golden empire game