Warar laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in maamulka Somaliland uu ciidamadiisa ka saaray magaalada Boorama ka dib iska horimaadyo xoogan oo afartii maalmood ee la soo dhaafay dhexmarayey iyaga iyo shacabka magaalada.
Rasaastii xooganeyd ee ka socotay magaalada oo ay ridayeen ciidanka amaanka Somaliland ayaa la soo sheegayaa iney haatan joogsatay, waxaana wadooyinka tuban shacab raxan raxan u socda oo ka qeyb qaadanayey dibad baxyadii dhacay.
Ciidamada ayaa la sheegay in la geeyey xeryo ku yaala duleedka magaalada, iyadoo masuuliyiinta Somaliland sheegeen in talaabadan loo qaaday si loo dejiyo rabshadaha hareeyey Boorama.
Waxaa weli xiran ganacsigii iyo isku socodkii magaalada, waxaana weli jira cabsi la xiriirta in rabshado kale ay dhacaan.
Jidadka waaweyn ee magaalada ayaa waxaa weli ka muuqda raqda rabshadihii dhacay gaar ahaan taayero la gubay, jaqafyo iyo dhagxaan fara badan, iyadoo dhismayaasha qaarna loo geystay burbur xoogan haba u badnaadeen kuwa Maamulka.
Wasiiro ka tirsan maamulka Somaliland iyo odayaasha dhaqanka beelaha ayaa wada dedaalo lagu qaboojinayo xiisada ka taagan magaaladaas iyo rabshadihii dhacay oo ay ku naf waayeen illaa 24 qof halka ku dhowaad 100 kale ay ku dhaawacmeen, waxaana jira warar khasaaraha intaas ka badinaya.



Alright, so I was a bit skeptical at first, but 5vipbet actually surprised me. They had some unique sporting events that I hadn’t seen anywhere else. Pretty good odds, too. Thinking ill bet some money again soon! Check out 5vipbet!
Vipph77 is the real deal! Great promotions and games. Definitely worth a look at: vipph77
For all you football fanatics, bet69 kèo bóng đá is the place to be! They’ve got all the latest odds and info on every game you could want! Game on! bet69 kèo bóng đá