Fadhigii 38-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha maamulka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Qodobbada maanta lagaga wada hadlay Fadhigii 38-aad waxa ka mid ahaa:
1. πππ«ππ’π±π’π§ππ πππππ±π°ππ²π§ππ‘π ππ πππππ«πππ’π’ ππ‘ππͺπ¨ ππ ππ¦πππ«ππππ€π π’π²π¨ πππ¨π¨ππ’π²π
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Golaha Wasiirrada si guud ugaga xog warramay safaradiisii shaqo ee uu ku tagay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya.
Madaxweynuhu waxa uu Golaha u sharraxay nuxurka, ujeeddada iyo guulaha diblomaasiyadeed ee ay safaradiisu xambaarsanaayeen, isaga oo tilmaamay in labadan safar ay ahaayeen kuwo istiraatiiji ah oo kor loogu qaadayay xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalkaas, isla markaana lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, amniga, iyo siyaasadda gobol
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in ay Xukuumaddu ku dedaalayso in xidhiidhka Somaliland iyo dalalka deriska ah uu noqdo mid ku dhisan dan-wadaag, is-ixtiraam iyo iskaashi waara, si kor loogu qaado sumcadda iyo kaalinta ay Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay Geeska Afrika iyo Caalamkaba.
Isaguna dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa si guud uga xog warramay Safarkii shaqo ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu ku tegay Itoobiya, isaga oo sheegay in Safiirkaasi uu ahaa mid midho-dhal ah, oo laga gaadhay guul iyo is-afgarad muhiim ah oo xoojinaya xidhiidhka labada dal. Wasiirku waxa uu sheegay in ay kulamo badan oo istiraatiiji ah ay la yeesheen madaxda ug sarraysa dalka Itoobiya, Wasiirrada iyo Taliyeyaasha Hayβadaha Amniga dalka Itoobiya.
2. πππ«ππ’π±π’π§ππ ππ«π«π’π¦ππ‘π ππ‘ππͺπππ₯ππ‘π, ππππ₯π’π²ππππ π’π²π¨ πππ€π‘π₯π’π π:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha , Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan.
Wasiirku waxa uu Golaha si guud ugaga xog warramay hab-sami-u-socodka ururinta Cashuuraha dalka, kuwaasi oo u socda sidii loogu talo galay, maadaama Cashuuruhu ay kaalin weyn ku leeyihiin kobaca dhaqaalaha dalka. Wasiirku waxa uu sheegay in xaaladda dakhliga iyo dhaqaalaha dalka ay u socdaansi wacan, isaga oo sheegay in ay jirto korodh muuqda oo ku yimid dakhliga gudaha, sidoo kalena ay sii xoogaysanayso xasiloonida dhaqaale ee Somaliland.
Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyaddu waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay bilowday qorshe dhammaystiran oo lagu casriyeynayo dhammaan Kastamada dalka, si ay farsamo ahaan iyo aqoon ahaanba ula jaan qaadaan Waddamada Deriska ah. Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in Diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka ee 2026-ka ay u socoto si wacan, iyaga oo Hayβadaha Xukuumadda dhexe iyo Dawladaha Hoose ay soo gudbiyeen dalabkoodii iyo qorshayaashoodii sannad miisaaniyadeedka 2026-ka. Wasiirku waxa uu Wasaaradaha uga mahad naqay wada shaqaynta hufan ee ay la leeyihiin Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha.



Hey everyone! ZALV88 is my new favorite. Easy to use interface and a wide selection of games, what’s not to love? Give zalv88 a try, you might just find your new lucky spot!
Saw the DA88banner ads popping up and decided to give it a shot. Pretty good promotions and a decent selection of games. Nothing mind-blowing, but definitely a reliable option. da88banner
V88 club, fala a verdade, quem nΓ£o gosta de um lugar VIP? Esse clube tem tudo pra te fazer sentir o sheik! Joguei e aprovei! ConheΓ§a o v88 club.