Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, oo maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka 5-aad ee Nabadda iyo Horumarka Afrika oo lagu qabtay magaalada Aswan ee dalka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, kaas oo cinwaankiisu yahay “Awoodda Afrika ee Horumarka iyo Isbeddelka Adduunka Casriga ah” ayaa sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay waddada horumar waara, iyada oo ka gudubtay dhibaatooyinkii amni, dhaqaale iyo siyaasadeed.
Raysal Wasaaraha ayaa tilmaamay guulaha la taaban karo ee dowladdu gaartay, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Dib-u-dhiska dowladnimada iyo hay’adaha Qaranka, Deyn cafinta, kor u qaadista xiriirka Soomaaliya la leedahay waddamada gobolka iyo caalamka, Qaadista cunaqabateyntii hubka ee saarneyd dalka muddada dheer iyo Amni oo hormar ballaaran laga gaaray gaar ahaana dhankan la dagaallanka kooxaha Khawaarijta.
Raysal Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale soo bandhigay Hannaanka Qaran ee Isbeddelka 2025–2030, oo ah qorshe diiradda saaraya lix tiir oo waaweyn: Sida Dib-u-dhiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, Kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, Horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka, Amniga cuntada iyo horumarinta beeraha, Ilaalinta deegaanka iyo horumarinta tamarta nadiifta ah, Daahfurnaanta maamulka iyo hufnaan dowladeed oo dhab ah.
“Soomaaliya maanta waa dal kasoo baxay colaado iyo burbur, kuna socdo dhabbihii horumar iyo barwaaqo waarta, iyadoo aan cidna laga reebaynin dadaallada qaran ee lagu dhisayo mustaqbal mideysan,” ayuu yiri Raysal Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Masar doorkeeda joogtada ah ee ay ku taageerto Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, dib-u-dhiska iyo iskaashiga, isagoo xusay in xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo sii xoogeysanaya.






Just wanted to give a shoutout to vf555casino. Been having some fun here, especially on the live dealer games. Good variety and decent odds. Take a look, maybe you’ll find something you like: vf555casino
Aight, listen up folks I stumbled upon linkhello88discount the other day and let me tell you, those deals are legit Think of amazing savings you will have Fun linkhello88discount
Yo, so I checked out 789clubios recently. The games are decent, and the signup process was smooth. Nothing crazy mind-blowing, but a solid choice if you’re looking for something new. Check it out here: 789clubios