Wararka ka imaanaya buuraha Calmiskaad ee Puntland ayaa sheegaya in qarax lala helay ciidamada daraawiishta Puntland uu sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray ciidamadaasi oo ku sii jeeday howlgal ay ku baacsanayeen dagaalamayaasha Daacish.
Qaraxa oo ay ku dhinteen 10 askarta Puntland ka tirsanaa halka 5 kalana ay ku dhaawacmeen ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhaxaysa deegaanada Qurac iyo Gaatir-Oodan oo ku dhaw togga Jeceel.
Inta la ogyahay qaraxyo hore uga dhacay isla buuraha Calmiskaad waxaa ku baxay saraakiil iyo ciidamo qaarkood caan ka ahaa deegaanada Puntland,waxayna qaraxyadu inta badan dib u dhac u keenaan howlgalada daraawiishta Puntland ay ka wadaan buuraha Calmiskaad.
Qaraxii ugu danbeeyay waxaa ku dhintay Taliyihii Howlgalinta Ciidanka Calmiskaad, Gen. Cabdi Cali Qalyare kaasoo aad looga yaqaanay deegaanada Puntland wuxuuna ahaa sarkaal da’ ah oo waayeel ah hadana diyaar u ahaa inuu dadkiisa iyo deegaanakiisa ka diaaco Daacish Rabi ha u naxariistee.



Hey everyone, gave 78fplataforma a shot. Interface is simple, not too flashy. Good start! Will be keeping an eye on it to see where this platform goes.
777win97? Yeah, I’ve dabbled. Some fun games, definitely keeps you entertained. Give it a whirl: 777win97
Plusph11, huh? New one to me. Gonna take a look around. The layout is pretty clean. Hope the odds are good. Wish me luck! plusph11