wadooyinkii xirnaa ee magaalada muqdisho oo dowladda ay dib u furtay

Muqdisho-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib u furtay qaar ka mid ah waddooyinka magaaladda Muqdisho oo qaarkood 15 sano u xirnaayeen sababo amni.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya oo ay weheliyaan guddoomiyaha gobolka Banaadir, wasiirka amniga iyo taliyeyaasha NISA iyo Booliska ayaa furay 52 wado oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha caasimada.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in furitaanka waddooyinkan ay hordhac u yihiin kuwa kale oo la furi doono maalmaha soo socda. “Waxaa billownay in aan furno 52 jid oo ah wajiga caasimadda, kuwa kale ee dhimman waa furi doonaa dhawaan” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.

Furitaanka waddooyinka qaar ee Muqdisho ayaa lagu micneeyay in lagu yareynayo jaamka daran ee ka jiro gobolka Banaadir iyo in guul laga gaaray sugidda amniga caasimadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *