Muqdisho: Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa qoraal kasoo baxay lagu sheegay in ciidanka Booliska gaar ahaan kuwa saldhigga degmada Warta-Nabadda ay gacanta ku soo dhigeen toddobo dhalinyaro ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku kaceen falal halis gelinayay naftooda iyo tan bulshada.
Magacyada dhalinyarada la soo qabtay ayaa lagu sheegay:
Khatar Ibraahim Xasan
Daahir Maxamuud Xasan
Cabdullaahi Maxamed Xasan
Maxamed Cabdiraxmaan Barre
Xuseen Mukhtaar Axmed
Sakariye Cabdullaahi Cumar
Axmed Cusmaan Maxamed
Booliska ayaa sheegay in dhalinyaradan ay isku dayeen in ay amni darro ka abuuraan garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho, halkaas oo ay ka socdaan ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir.
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay digniin adag u direen dhalinyarada kale ee ku hawlan falalka noocan oo kale ah, iyagoo ku booriyay inaysan garoomada iyo goobaha bulshada la soo gelin wax kasta oo dhaawac u horseedi kara naftooda ama bulshada.
Booliska ayaa xusay in tooreyda, sakiimaha iyo hub kasta oo khatar ah laga mamnuucay garoomada iyo goobaha dadweynaha, isla markaana qof kasta oo lagu qabto isagoo ku kacaya fal amni darro ah laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.



Downloaded the id888app the other day. Runs smooth and is pretty convenient for playing anytime, anywhere. Check it out to find your way: id888app
Just checking out admtechbong88 and everything seems legit. You can access here: admtechbong88
188bet’s always been a solid choice. Nhacai188bet just makes it easier to access. Good odds and a wide range of sports. Give it a shot if you’re feeling lucky! Link’s right here: nhacai188bet
Alright guys, just wanted to share ph163. Played there a couple times and it’s decent. Nothing crazy, but reliable and good enough for a quick spin or two. Give it a look: ph163
798betvi, never heard of it, but I’m always up for trying something new. Betting, you say? Show me the money! Let’s go see 798betvi!
Alright, zbetbet! Sounds kinda secretive, I dig it. What kinda bets they got? I’m feeling lucky… or at least I will be! Let’s wager at zbetbet!