Dowladda Somaliya oo xabsiga Ka sii  Daysay Nabadoon Xaadoole muddo bil ah kadib

Muqdisho: Nabadoon Xuseen Xaadoole, oo ka mid ah cuqaasha Soomaaliyeed, ayaa xoriyadiisa dib u helay kadib 33 maalmood oo uu xabsiga ku jiray ay sii deysay dowladda Somaliya.

Nabadoonka ayaa lagu xiray kadib markii uu si cad uga dhiidhiyey barakicintii dowladda ka geysatay dad shacab ah oo deganaa dhulal danta guud ah, iyadoo aan loo turin xaaladooda bani’aadannimo.

Siideynta Nabadoonka kadib, waxaa si diirran loogu soo dhoweeyey Hoteel Jazeera, halkaas oo munaasabad ay ku qabanqaabiyeen madaxda Samatabixinta Soomaaliyeed lagu maamuusay.

Isagoo warbaahinta la hadlayey, Nabadoon Xaadoole wuxuu caddeeyey in uusan marnaba ka tanaasuli doonin mowqifkiisa mucaaradnimo ee ku saleysan difaaca xuquuqda shacabka. Wuxuu yiri:

Nabadoonka ayaa sidoo kale baaq u diray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku booriyey inuu dalka ka hirgeliyo doorasho lagu wada heshiiyey, haddii kale uu dalka u horseedi karo dib-u-dhac siyaasadeed iyo burbur.

6 thoughts on “Dowladda Somaliya oo xabsiga Ka sii  Daysay Nabadoon Xaadoole muddo bil ah kadib

  1. What’s up everyone? Giving km888bet a try and so far, I’m impressed. The bonuses are pretty sweet and the customer service is quick to respond. Give it a shot, might be your lucky streak waiting!

  2. EE88casino, eh? Aight, so I’ve messed around on this site a bit. They got a decent spread of games – slots, live dealer, the usual. Withdrawals were pretty quick, which is always a good sign. Not my absolute favorite casino, but it’s solid and worth a try if you’re looking for something different. Check it out: ee88casino

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *