Dowladda Soomaaliya ayaa been aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaantay warbixinada baraha bulshada iyo warbaahinta qaar baahiyeen beenisayna in ay Itoobiya u ogolaatay marin biyoodka badda cas.
Wasiirka arrimaha dibedda xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo qoraal kooban oo afka Ingiriiska ku qoran soo dhigay bartiisa X-ka, oo horey loo oranjiray Twitter, ayaa ku nuux nuuxsaday inaan waxba ka jirin wararka tibaaxaya in Itoobiya loo oggolaaday marin biyood badda cas dhaca.
“Waxaan si cad u beeninayaa sheegashada ah in Itoobiya loo ogolaaday inay gasho badda cas, waa sheegashooyinkan aan sal iyo raadka lahayn oo ka maran wax aasaas ah, Soomaaliyana waxaa ka go’an ilaalinta madax-banaanideeda iyo xaqiijinta hufnaanta arrimaha qaranka” ayuu yiri wasiir Fiqi.
Wararka ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay Itoobiya u oggolaatay marin biyood deked ganacsi oo badda cas dhaca ayaa saacadihii la soo dhaafay qabsaday warbaahinta Soomaalida, taas oo dhalisay falcelin baaxad leh.