Ankara, Turkiga – Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Ankara, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdogan, kaas oo ka dhacay xarunta madaxtooyada dalkaasi.
Wasiirka ayaa Madaxweynaha Turkiga uga mahadceliyay taageerada ballaaran ee dowladda Turkiga ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gaadiidka badda, dekedaha, waxbarashada, caafimaadka iyo amniga.
Kulanka ayaa muujinaya xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo Wasiir Cabdulqaadir uu adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in la sii xoojiyo iskaashiga labada dal ee ku saleysan wax-wada-qabsi iyo dan-wadaag dhab ah.
Dowladda Turkiga ayaa sanadihii la soo dhaafay kaalin muuqata ka qaadanaysay dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, waxaana kulankan uu qeyb ka yahay dadaallada labada dal ay ugu jiraan sii adkeynta xiriirka laba geesoodka ah.



If you’re into slots, try slotwingacor77. I’ve had some good times there. Go to slotwingacor77 and see what you can win.
HHWSON is kinda cool. Give it a look, you might enjoy it. Check out hhwson and tell me what you think.
456betsim seems like a solid place to place your bets. Has a decent selection. Try 456betsim and see what you win.