Dowladda Itoobiya oo iska fogeysay dagaalkii dooloow

Dowlada Itoobiya ayaa si buuxda u beenisay eedayn ay dowlada Soomaaliya ku eedeysay in ciidamadeedu weerark ku ekeeyeen kuwa soomaalida ee ku sugan degmada Dooloow ee Gobolka Gedo shalay.

War qoraal ah ayeey Wasaarada Arimaha Dibada ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ku tiri “Weerarkan oo u muuqday mid si qorsheysan loo fuliyay ayay ciidamada Itoobiya ku beegsadeen saddex saldhig oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Nabad Sugidda NISA, iyo Booliska.”

Bayaanka ayaa intaas ku daray in weerarka ay waxyeello ay ka soo gaartay xubno ka tirsan ciidamada Soomaaliya ee ku sugnaa xarumahaasi, iyo muwaadiniin rayid ah oo goobta ku sugnaa.

Ayada oo ka jawaabeysa, ayey wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya sheegtay in ay aad uga xun tahay bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya 23-kii December 2024.

“Eedeyntani waa mid aan sal iyo raad toona lahayn. Dhacdadan waxaa billaabay dhinacyo gaar ah oo doonayo in ay wiiqaan caadiyeynta xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya. Dhinacyadan saddexaad ayaa damacsan inay khalkhal galiyaan xasilloonida Geeska Afrika, waana qaswadayaasha joogtada ah ee nabadda gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo dhowaan labada dal Ankara, Turkiga ku kala saxiixdeen heshiis lagu soo afjarayay xiisaddii ka dhaxeysay labada dal mudo hal sano ah kaasoo uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Dowlada Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Heshiiskan ayaa beesha caalamku soo dhoweeysay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *