Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo Khudbad ka Jeediyey Fadhiga 591-aad ee Golaha Federaalka Ruushka

Moscow – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka qayb galay fadhiga guud ee 591-aad ee Golaha Federaalka (Aqalka Sare) ee dowladda Ruushka, iyadoo weli ay booqashadoodu ka socoto magaalada Moscow.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa khudbad uu ka jeediyey fadhigaasi si qoto dheer uga hadlay adkaynta xiriirka labada Baarlamaan iyo guud ahaan iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka. Wuxuu si kooban u xusay taariikhda xiriirkii soo jireenka ahaa ee u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Midowgii Sofiyeet, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dib loo soo celiyo xiriirkaas istiraatiijiga ah.

Guddoomiyuhu wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta xiriirka laba geesoodka ah, gaar ahaan dhisidda iskaashi baarlamaan oo waxtar leh. Waxa uu soo jeediyay in labada Baarlamaan is-weydaarsadaan guddi saaxiibtinimo si ay uga faa’iideystaan khibradaha dhanka sharci-dejinta, maamulka iyo hawlaha baarlamaaniga ah.

Sidoo kale, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey dowladda Ruushka cafinta ay ka cafisay Soomaaliya deyn boqolaal milyan oo doollar ah, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo saaxiibtinimo oo muujinaysa sida Ruushku uga go’an tahay in uu gacan ka geysto dadaallada horumarineed ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa uga mahadceliyey Marwo Valentina Matviyenko, Guddoomiyaha Golaha Federaalka ee Ruushka, casuumaadda sharaf leh, isagoo sheegay in fadhiga maanta uu yahay tillaabo muhiim ah oo horseedi karta xiriir dhow iyo iskaashi wax ku ool ah oo dhex mara labada Baarlamaan.

Booqashada wafdiga Aqalka Sare ee Soomaaliya ee Ruushka ayaa la filayaa in ay horumarin weyn ku kordhiso xiriirka diblomaasiyadeed iyo midka sharci-dejineed ee u dhexeeya labada dal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *