Ugu yaraan 30 Qof oo Ku Dhintay Duqeyn iyo Rasaas Ay Ciidamada Israa’iil Ka Geysteen Agagaarka Xarun Gargaar oo Ku Taalla Rafax

Rafax, Koonfurta Gaza – Juun 2, 2025: Ugu yaraan 30 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, in ka badan 150 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii ciidamada Israa’iil ay rasaas iyo duqeyn ka fuliyeen meel u dhow xarun lagu qeybiyo gargaar oo ku taalla magaalada Rafax ee koonfurta Marinka Gaza, sida ay sheegeen dhaqaatiirta iyo dadka deegaanka.

Mohammed Ghareeb, oo ah wariye ku sugan Rafax, ayaa warbaahinta u sheegay in kumannaan Falastiiniyiin ah ay isugu yimaadeen agagaarka xarunta gargaarka, si ay u helaan caawimo bini’aadantinimo, balse taangiyada Israa’iil oo si lama filaan ah usoo dhawaaday goobtaasi ay rasaas ku fureen dadkii isugu soo baxay.

Goobjoogayaal iyo saxafiyiin maxalli ah ayaa sidoo kale soo wariyay muuqaallo argagax leh oo muujinaya meydadka dadkii dhintay iyo kuwa dhaawacmay, iyadoo qaar badan oo kamid ah lagu daabulayay gaari dameero ah oo loogu qaaday isbitaalka Beerta Cas ee ku yaalla deegaanka al-Mawasi.

Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa bayaan kooban ku sheegay: “Waqtigan xaadirka ah ma hayno xog rasmi ah oo ku saabsan dhaawacyada ka dhashay rasaasta ay ciidamadeennu ka rideen agagaarka goobta lagu qaybinayo gargaarka bini’aadantinimo. Arrinta weli dib baa loo eegayaa.”

Xaaladda magaalada Rafax ayaa sii cakirmeysa, iyadoo dhowr jeer ay xarumaha gargaarka iyo goobaha dadku isugu yimaadaan ay noqdeen bartilmaameedyo weerarro xooggan ah, taas oo sii murjisay xaaladda bini’aadantinimo ee ka jirta Gaza.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *