Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo La Kulmay Madaxa UNDP si Looga Wada Hadlo Sugidda Amniga Doorashooyinka

Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya, Mr. Lionel Laurens, iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan xafiiskiisa.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta u dhexeysa Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Hay’adda UNDP, gaar ahaan arrimaha la xiriira sugidda amniga diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka. Taliyaha waxaa kulanka ku wehliyay saraakiil sare oo ka tirsan Booliiska, kuwaas oo qeyb ka ahaa wadatashiga istaraatiijiyadeed ee lagu horumarinayo hawlaha amniga doorashooyinka.

Taliye Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa sheegay in Booliiska Soomaaliyeed ay ka go’an tahay ilaalinta amniga muwaadiniinta inta lagu jiro marxaladaha kala duwan ee doorashooyinka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay taageerada UNDP si loo xaqiijiyo hannaan doorasho oo nabad ah, hufan, loona siman yahay.

Dhankiisa, Mr. Lionel Laurens ayaa bogaadiyay doorka Booliiska Soomaaliyeed ee ku aaddan ilaalinta nabadda iyo amniga, wuxuuna ballanqaaday in UNDP ay sii wadi doonto garab istaagga iyo taageerada farsamo ee ay siiso ciidamada si kor loogu qaado awoodda iyo xirfadaha la xiriira sugidda amniga doorashooyinka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo qorshayaasha amni ee doorashooyinka, isla markaana lagu horumarinayo xiriirka wada shaqeyn ee u dhexeeya hay’adaha amniga dalka iyo bahwadaagta caalamiga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *