Maxay ka wadahadleen wasiirka arrimaha dibada iyo safiirka Shiinaha ee Soomaaliya?

Muqdisho – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray kor u qaadidda iskaashiga dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha, waxbarashada, iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, iyadoo labada mas’uul ay muujiyeen rabitaankooda ku aaddan in la dardargeliyo heshiisyada taariikhiga ah ee labada dal ka dhaxeeya.

Safiir Wang Yu ayaa ugu horrayn u hambalyeeyay Wasiir Cabdisalaan magacaabistiisa dhawaan loo magacaabay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, isagoo u rajeeyay guul iyo horumar. Waxa uu tilmaamay in Dowladda Shiinaha ay weligeed garab taagnayd shacabka Soomaaliyeed, ayna ka go’an tahay in ay sii adkayso xiriirka istiraatiijiga ah ee ay la leedahay Soomaaliya.

Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa uga mahadceliyay Safiirka booqashada sharafeed iyo hambalyada uu u muujiyay, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimada uu leeyahay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal. Wasiirku wuxuu xusay in Soomaaliya ay danaynayso iskaashi miro-dhal ah oo ku saleysan mashaariic horumarineed, tababaro xirfadeed iyo taageero lagu tayeynayo adeegyada dowladda.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa isla gartay in la dardargeliyo hirgelinta heshiisyadii hore ee labada dal, lana abuuro qorshayaal cusub oo labada dowladood uga faa’iideysan karaan si ay u xoojiyaan iskaashiga labada shacab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *