HARGEYSA – Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Qasriga Madaxtooyada wakiilka Dowladda Federaalka Itoobiya u fadhiya Somaliland, Mudane Teshome Shunde Hamito.
Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo dardargelinta wada-shaqeynta labada dhinac.
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay joogtaynta kulamada labada dal, iyo baahida loo qabo xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo socdaalka.
“Labada dhinac waxa ay caddeeyeen inay ka go’an tahay sii xoojinta arrimaha diblomaasiyadda iyo joogtaynta kulammo wax tar u leh labada dhinacba,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu sheegay in la isla gartay sidii loo dardar-gelin lahaa isu-socodka bulshada iyo iskaashiga dhanka socdaalka, arrimo muhiim u ah xasilloonida gobolka iyo xiriirka labada maamul.
Kulankan ayaa imaanaya xilli uu weli taagan yahay muranka ka dhashay is-afgarad hore oo ay ku kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya sannad iyo bar kahor, kaasoo dhigayay in Itoobiya hesho marin badeed ay Somaliland siiso, iyadoo dhanka kalena la filayay aqoonsi rasmi ah. Heshiiskaas ayaa wajahaya caqabado xooggan kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya si cad uga soo horjeesatay.
Is-afgaradkii Addis Ababa ayaan weli dhaqan gelin, waxaana arrintaasi dhalisay cadaadis caalami ah iyo walaac ay muujiyeen dalal dhowr ah oo ku baaqay in la ilaaliyo midnimada Soomaaliya.
Kulanka maanta ayaa loo arkaa mid diblomaasiyadeed oo ujeedkiisu yahay dejinta xiisadda iyo ilaalinta xidhiidhka istiraatiijiga ah ee labada dhinac, iyada oo aan weli la saadaalin karin jihada uu u wareegi doono isfahamkooda mustaqbalka.



The odds here are very competitive and the user experience is top notch. I love how easy it is to manage my bets. Truly a great platform like mxdraftkings.
The app is surprisingly lightweight and doesn’t crash even on my old phone. Super convenient for playing on the go. Love 58jiliapp!
The withdrawal process is surprisingly fast compared to other places I have used. Very trustworthy. I recommend idsaldo33