Muqdisho – Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan shaqo ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, iyadoo uu shir guddoominayay Kusimaha Guddoomiyaha Golaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Kulanka oo ahaa fadhi rasmi ah oo ka tirsan kalfadhiga lixaad, kulankiisii 10-aad, ayaa ku furmay hadal kooban oo uu jeediyay Guddoomiye Abshirow, kaasoo uu ku xasuusiyay xildhibaannada muhiimadda dhowrista xeer-hoosaadka Golaha iyo ilaalinta waqtiga xaadiritaanka, si loo dardargeliyo howlaha sharci-dejinta.
Intii uu kulanku socday, mudanayaasha Golaha ayaa akhrinta labaad marsiiyay hindise sharciyeedka dadka dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga, kaasoo ay Golaha u soo bandhigtay Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga. Warbixinta akhrinta labaad waxaa si rasmi ah Golaha uga hor akhriyay Kusimaha Guddoomiyaha Guddigaasi, Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afeey).
Xildhibaannada ayaa si qoto dheer uga dooday qodobada ku jira hindisaha, iyagoo iftiimiyay muhiimada uu leeyahay sharciyeyntan, gaar ahaan xoojinta maamulka iyo qorsheynta arrimaha rayidka. Waxaa sidoo kale la weydiiyay su’aalo la xiriira hindisaha Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo xubnaha guddiga, si loo helo caddeymo dheeraad ah oo ku saabsan waxyaabaha uu sharcigu qabanayo.
Ugu dambeyn, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa si rasmi ah u soo xiray kulanka. Wuxuu faray Guddiga Arrimaha Gudaha in ay talooyinka iyo aragtiyaha xildhibaannada ku daraan hindise sharciyeedka, ka hor inta aan loo gudbin akhrinta saddexaad ee Golaha.
