Jabuuti – Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sareeyo Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad si rasmi ah loogu soo xirayey tababar ay qaateen cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Booliiska Soomaaliyeed, oo lagu qabtay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa wasiirro iyo diblomaasiyiin ka kala socday dalal badan oo caalamka ah.
Tababarkani ma ahayn kii ugu horreeyay ee lagu qabto Jabuuti, wuxuuna ahaa dufcaddii 22-aad ee ciidamada Daraawiishta Booliiska Soomaaliyeed, kuwaas oo helay tababar heer sare ah oo kor loogu qaaday xirfadooda ciidan iyo tayadooda hawlgal.
Taliye Kaniif ayaa uga mahadceliyay dowladda Jabuuti iyo ciidankeeda booliiska kaalintii muuqata ee ay ka qaateen fulinta tababarka, isagoo si gaar ah ugu mahadnaqay macallimiintii bixisay tababarka. Sidoo kale, wuxuu si weyn u bogaadiyay dowladda Talyaaniga oo gacan muuqata ka geysatay taageerada iyo horumarinta Ciidanka Daraawiishta Booliiska Soomaaliyeed.
Ciidamada tababarka dhammeystay ayaa si degdeg ah loogu biirin doonaa howlgalada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, iyaga oo lagu wado in ay ku biiraan saldhigyada ay hadda ku sugan yihiin ciidamada Daraawiishta, si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ee dhiigga shacabka Soomaaliyeed banneystay.

