Muqdisho – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryama Maxamed Xuseen, ayaa maanta ka qeyb gashay munaasabadda xuska Maalinta Caalamiga ah ee Tallaalka oo si weyn loogu qabtay magaalada Muqdisho.
Munaasabaddan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Agaasime waaxeedyo iyo madax qeybeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, xubno kale oo wasaaradda ka socda, Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed, iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah ee taageera caafimaadka Soomaaliya sida GAVI, UNICEF, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), Save the Children, iyo marti sharaf kale.
Xuska ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda tallaalka ee badbaadinta nolosha dadka, gaar ahaan carruurta, iyo sida bulshada Soomaaliyeed uga faa’iideysan karto adeegyada tallaalka ee la heli karo. Mas’uuliyiinta iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee goobta ka hadlay ayaa si weyn u xusay in tallaalku yahay furaha ka hortagga cudurrada halista ah isla markaana uu door muhiim ah ka ciyaaro horumarinta caafimaadka guud ee bulshada.
Waxaa sidoo kale waalidiinta Soomaaliyeed lagu dhiirrigeliyay inay si joogto ah carruurtooda u tallaalaan, si loo adkeeyo caafimaadka iyo badbaadada jiilka cusub ee soo koraya. Xuskan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu kor u qaadayo wacyigelinta bulshada iyo ballaarinta adeegyada caafimaadka ee dalka.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale caddeysay in ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka, gaar ahaan kuwa la xiriira tallaalka, si loo hubiyo caafimaad wanaagsan iyo adkaysi nololeed oo ay helaan carruurta Soomaaliyeed. Wasaaraddu waxay mar walba ku boorrisay waalidiinta Soomaaliyeed inay qaataan talooyinka caafimaad ee ka imaanaya qeybaha kala duwan ee caafimaadka.


