Wasiirka Beeraha dowladda FS oo gaaray Guriceel

Guriceel, Galmudug – Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta gaaray degmada Guriceel ee Dawlad Goboleedka Galmudug, isagoo sii wada socdaalladiisa joogtada ah ee uu ku booqanayo deegaannada dalka, si uu uga warbixiyo tacbashada beeraha iyo laqabsiga isbedelka cimilada – gaar ahaan meelaha aan webiyadu marin ee ku tiirsan roob-beerista.

Wasiirka iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in ay booqdaan beeraley deegaanka ku sugan oo ka faa’iideystay barnaamijyo taageero ah oo ay fulisay Wasaaradda Beeraha, iyadoo kaashaneysa hay’adda NRC, laguna maalgeliyay sanduuqa FCDO. Barnaamijkan ayaa ujeedkiisu yahay in lagu dhiirrigeliyo beeraleyda in ay yeeshaan beero casri ah oo aan ku xirneyn curashada roobka, balse ku shaqeeya hababka kaydka biyaha roobka ama adeegsanaya ceelal, si loo suurtageliyo wax-soosaar joogto ah oo sanadka oo dhan ah.

Wasiir Maareeye ayaa horay u muujiyay muhiimadda ay leedahay kobcinta wax-soosaarka gudaha iyo la qabsiga isbeddelka cimilada, gaar ahaan deegaanada ay saameeyeen abaaraha iyo isbeddelka roobabka. Socdaalkiisa Guriceel ayaa qeyb ka ah dadaalka ballaaran ee wasaaraddu ugu jirto horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyo ka hortagga saameynta isbedelka deegaanka.

Booqashadan ayaa la filayaa inay dhiirrigelin u noqoto beeraleyda deegaanka iyo in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya dowladda, hay’adaha caalamiga ah, iyo bulshada beeraleyda ee Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *