Midowga Yurub oo bogaadiyey waxqbadka dowladda Soomaaliya

Muqdisho, Soomaaliya – Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson, ayaa maanta uga mahadcelisay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, dadaalka muuqda ee uu geliyay horumarinta dowladnimada, qaadashada mas’uuliyadda amniga qaranka iyo xoojinta hannaanka maaliyadda dalka.

Johansson oo ka hadlaysay kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Madaxweynaha iyo ergada Midowga Yurub, ayaa sheegtay in Soomaaliya ay marayso marxalad muhiim ah oo ay ku hamineyso horumar dheeri ah. Waxay xustay in Midowga Yurub uu ka go’an yahay in uu door muuqda ka ciyaaro taageeridda dadaallada horumarineed ee dalka, iyadoo laga duulayo istaraatiijiyadda wadajirka ah ee Hawlgalka EU–Soomaaliya, oo la saxiixay sannadkii 2023.

“Guud ahaan, sida aan uga wada hadalnay kulamadeennii hore, horumar la taaban karo ayaa laga gaaray dhammaan saddexdaas tiir. Waxaan doonayaa inaan si gaar ah u amaano adiga, Mudane Madaxweyne, iyo hay’adaha dowladda Soomaaliyeed dadaallada aad ka qaaday dhismaha dowladnimo, qaadashada mas’uuliyadda amniga qaran, iyo xoojinta maareynta maaliyadda dadweynaha,” ayay tiri Safiir Karin Johansson.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay wakiillada dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub, safiirradooda, wakiillo ka socda hawlgalada rayidka iyo milatariga ee CSTP, iyo sidoo kale xubno ka shaqeeya howlaha gargaarka bini’aadantinimo ee dalka.

Dhacdadan ayaa muujinaysa xiriirka sii kobcaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyo sidoo kale taageerada joogtada ah ee beesha caalamka ay u hayso horumarka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *