Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Hon. Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Safiirka Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya, Danjire Carsten Carlsen.
Kulanka oo muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray arrimo qaran oo dhaxal-gal ah oo ay ka mid yihiin: dib-u-heshiisiinta dalka, dimuqraadiyeynta hay’adaha, horumarinta hannaanka doorashooyinka, geeddi-socodka nabad-dhisidda, iyo dadaallada lagu xasilinayo deegaanada laga xoreeyay kooxaha argagixisada.
Wasiirka iyo Danjiraha ayaa isla qaadaa-dhigay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta dowlad-dhiska, taageeridda barnaamijyada nabadda, iyo sidii loo abuuri lahaa jawi siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Norway ayaa ka mid ah waddamada sida dhow ula shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, dimuqraadiyadda, iyo taageerada hannaanka federaalka. Kulankan ayaa qeyb ka ah xiriirka diblomaasiyadeed iyo wada shaqeynta joogtada ah ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo beesha caalamka.