Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay tallaabada uu qaaday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ee ku saabsan hirgelinta nidaam aqoonsi gaar ah, taasoo ay DFS ku tilmaamtay mid baalmarsan sharciga, kuna ah xadgudub mas’uuliyadeed iyo mid ka dhan ah hab-raaca dowladnimada dalka.
War rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa lagu xusay in Dowladda Federaalka ay tobankii sano ee la soo dhaafay si qorshaysan ugu hawlanayd dhismaha nidaamka Aqoonsiga Qaranka, iyadoo la tixraacayo himilooyinka dastuuriga ah iyo qorsheyaasha horumarineed ee qaranka. Nidaamkan ayaa lagu tilmaamay mid laf-dhabar u ah dib u dhiska hay’adaha dowliga ah, sugidda amniga qaranka, iyo fududeynta helitaanka adeegyada muwaadiniinta.
DFS waxay horey u ansixisay Siyaasadda Aqoonsiga Qaranka, waxaana sidoo kale labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay meel mariyeen Xeerka Aqoonsiga Qaranka (Xeer Lr. 9) iyo Xeerka Ilaalinta Xogta Muwaadinka (Xeer Lr. 5) bishii Maarso 2023. Waxaa la aasaasay Hay’adda Qaranka ee Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga (NIRA), laguna qalabeeyay agab casri ah oo lagu daabaco, keydiyo, laguna ilaaliyo xogta muwaadiniinta. Shaqaalaha NIRA ayaa la tababaray, si rasmi ahna loo dhaariyay, si ay waajibaadkooda u gutaan si hufan, ammaan ah, kuna saleysan sharci.
Ujeeddada Aqoonsiga Qaranka ayaa lagu sheegay mid qaran oo istiraatiiji ah, si muwaadin kasta u yeesho tirsi gaar ah (11 lambar) oo sharci ah. Tani waxay fure u tahay helitaanka adeegyada dowladda, la dagaalanka khataraha Khawaarijta, xoojinta socdaalka gudaha iyo fursadaha caalamiga ah, gaar ahaan kuwa ku xeeran bulshada Bariga Afrika oo ay Soomaaliya hadda xubin rasmi ah ka tahay.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa si adag uga digtay tallaabada maamulka Puntland uu qaaday 9-kii Abriil 2025, taasoo lagu dhisay nidaam kale oo aqoonsi ah, waxayna ku tilmaantay “khalad sharci iyo mid maamul,” isla markaana ah fal dhaawacaya hannaanka dowladnimada dalka. “Ficillada noocan ahi ma aha kuwo ka tarjumaya dan qaran, waana jahwareer aan sal iyo raad toona ku lahayn aragti dowladeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Wasaaraddu waxay xustay in Aqoonsiga Qaranku yahay “xaq muwaadinimo,” lagamana hor istaagi karo muwaadin Soomaaliyeed helitaanka aqoonsi sharci ah oo xogtiisu sugan tahay. Tallaabo kasta oo lagu carqaladeeyo arrintaas waxaa lagu tilmaamay is-hortaag sharci ah oo ka dhan ah xuquuqda muwaadinka.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay ugu baaqday madaxda Puntland in ay si masuuliyad leh uga qeybqaataan hirgelinta nidaamka Aqoonsiga Qaranka, halkii ay ku bixin lahaayeen dhaqaalaha nidaam kale oo aan sharciyad buuxda lahayn. Waxaa sidoo kale lagu booriyay in dadaallada dowladda loo daayo fursad ay ku hirgeliso nidaamka qaran ee loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
War-saxaafadeedkan ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay u tallaabsaneyso heerar cusub oo dhanka dowlad-dhiska ah, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo nidaamka Aqoonsiga Qaranka oo laf-dhabar u ah xasilloonida, adeeg bixinta iyo amniga.