Muqdisho – Labo diyaaradood oo ciidan ah oo ka yimid dalka Turkiga ayaa maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen ilo warbaahineed oo Turkish ah. Diyaaradahan ayaa siday in ka badan 500 askari oo ka tirsan ciidanka milatariga Turkiga.
Wararka la helayo ayaa muujinaya in tirada guud ee ciidamada Turkiga ee la filayo in ay ka howlgalaan gudaha Soomaaliya ay gaari karto illaa 2,500 askari, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin tirada rasmiga ah ee ciidanka imanaya. Imaatinka ciidamadaan ayaa kusoo beegmaya xilli dagaallo culus ay dowladda Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale, diyaaradaha dagaalka ee Turkigu leeyahay ayaa la filayaa in ay qeyb ka noqdaan howlgalada cirka ah ee lagu bartilmaameedsanayo xarumaha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, taas oo qeyb ka ah xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Bishii July ee sannadkii hore, Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin uu soo gudbiyay Madaxweynaha dalkaasi, Recep Tayyip Erdoğan, kaas oo oggolaanaya in ciidamo militari loo diro Soomaaliya muddo laba sano ah, si loo taageero dadaallada amniga iyo nabadgelyada.
Mooshinkaasi ayaa si cad u qeexayay in Turkigu uu muddo ka badan toban sano taageero joogto ah siinayay Soomaaliya, oo ay ku jiraan tababarro ciidan, gargaarka bini’aadannimo, qalabeynta ciidamada, iyo la-talinta amni. Tallaabadan cusub ayaa lagu micneeyay mid lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinaca difaaca si Soomaaliya ay u yeelato awood amni oo ay iskood ugu wajahdo khataraha argagixisada.
Ciidamadan cusub ee Turkiga ka socda ayaa la filayaa in ay si dhow ula shaqeeyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xoojiyo howlgallada socda ee dalka looga sifeynayo kooxda Al-Shabaab.