Balad Xaawo – Taliska Ciidanka Daraawiishta ee Maamulka Jubaland ayaa si rasmi ah ula wareegay liiska iyo magacyada maleeshiyaad hubeysan oo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, iyadoo tallaabadani qayb ka tahay qorshaha lagu doonayo in gobolka Gedo si buuxda hoos ugu galo maamulka Jubaland.
Maleeshiyaadka la wareegay ayaa hadda si rasmi ah ugu biiraya Ciidamada Jubaland, kaddib markii ay waayeen taageeradii dhaqaale ee ay horay uga heli jireen ganacsato ay isku beel yihiin, sida ay sheegeen ilo amni.
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Daraawiishta Jubaland, Cali Xasan Deeq, oo ka hadlay munaasabad kooban oo lagu qabtay magaalada Balad Xaawo, ayaa sheegay in maleeshiyaadkan lagu daray diiwaanka rasmiga ah ee ciidamada Jubaland. Wuxuu carabka ku adkeeyay in xubnahan cusub ay yihiin ciidan xaq u leh inay qeyb ka noqdaan maamulka gobolka.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo gobolka Gedo uu muddooyinkii u dambeeyay ahaa meel ay ku kala aragti duwanaayeen Maamulka Jubaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Khilaafkaas ayaa sare u kacay kaddib markii Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), uu xiriirka u jaray dowladda dhexe.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa muddo ku dadaalayay sidii uu maamulkiisu ugu fidi lahaa magaalooyinka gobolka Gedo, inkasta oo uu wajahayo caqabado badan, oo ay ugu weyn tahay taageero la’aanta qaybo ka mid ah bulshada deegaanka, kuwaas oo aan ku qanacsaneyn qaabka maamulka uu u hoggaamiyo.
Xaaladda siyaasadeed ayaa sii cakirantay tan iyo markii Axmed Madoobe uu sanadkii hore qabtay doorasho dadban oo uu isagu kusoo baxay, taasoo aan la waafaqsaneyn hab-raaca doorashada ee ay Dowladda Federaalka waday – habka cod-bixinta tooska ah (qof iyo cod). Dowladda Federaalka ayaa doorashadaas ku tilmaantay mid sharci darro ah, iyadoo Maxkamadda Sare ee dalka ay xukuntay amar lagu soo qabanayo Axmed Madoobe.
Dhankiisa, Maamulka Jubaland ayaa isna qaaday tallaabo is-difaacid ah, isagoo soo saaray amar kale oo isagu lagu doonayo in la soo qabto Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhinaca kale, magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa dhawaan la geeyay ciidamo ka tirsan kuwa militariga iyo booliska Soomaaliya, si ay uga jawaabaan xaaladda siyaasadeed ee ka dhalatay doorashada uu iskiis u qabtay Axmed Madoobe.
Wararka laga helayo gudaha Jubaland ayaa muujinaya in xaaladdu weli kacsan tahay, iyadoo aysan muuqan xalka dhabta ah ee laga gaari karo ismariwaaga ka dhex aloosan maamulka Jubaland iyo dowladda dhexe ee Federaalka.