Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa xaqiijinaya in dagaalyahanno ka tirsan ururka Al-Shabaab ay subaxnimadii hore ee maanta si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta degmada Aadan Yabaal, kaddib weerar culus oo qaraxyo ku bilaabmay oo ay ku qaadeen gudaha degmada.
Dagaalkan oo lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwii ugu xooganaa ee ka dhaca degmada, ayaa socday muddo ka badan shan saacadood, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hub culus iyo mid fudud. Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa sheegaya in dagaalku uu ahaa mid si ba’an loogu loollamay, hase yeeshee illaa iyo hadda lama hayo tirada rasmiga ah ee khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay iska horimaadka.
Degmada Aadan Yabaal oo ah deegaan istiraatiiji ah, ayaa sanadkii 2022 waxaa laga saaray kooxda Al-Shabaab, balse weerarka saaka dhacay ayaa u suurtageliyay kooxda in ay mar kale si buuxda ula wareegto magaalada.
Al-Shabaab ayaa galinkii dambe ee maanta ku faafisay baraha bulshada qoraallo iyo muuqaallo ay ku sheeganayso inay gacanta ku hayso degmada Aadan Yabaal, iyadoo sidoo kale la arkayay kolonyo gaadiid dagaal ah oo ay sheegeen inay ku dhex socdaan gudaha magaalada. Si kastaba ha ahaatee, muuqaalladaasi weli si madax-bannaan looma xaqiijin karin.
Dhinaca kale, warar hoose oo aan helnay ayaa tilmaamaya in ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay haatan ku sugan yihiin duleedka degmada Aadan Yabaal, halkaas oo ay ka wadaan is uruursi iyo diyaar garow ciidan, si ay markale dib ugu laabtaan fariisimahoodii hore ee degmada.
Weli ma jirto wax war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan xaaladda dhabta ah ee magaalada, cidda hadda gacanta ku haysa, ama khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka. Arrimahaasi ayaa sii adkeeyay in la helo xog sugan, iyadoo ay weli go’an tahay isgaarsiinta degmada iyo deegaanada ku dhow.
Wixii faahfaahin dheeraad ah ee kasoo kordha arrintan, kala soco wararkayaga xiga.