Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ka qayb galay madasha diblumaasiyadda ee Antalya

Antalya, Turkiga – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeybgalay furitaanka Madasha Diplomaasiyadda Antalya, oo ah mid ka mid ah fagaarayaasha caalamiga ah ee ugu weyn ee lagu gorfeeyo arrimaha amniga iyo siyaasadda.

Madashan, oo sanad walba lagu qabto dalka Turkiga, ayaa sanadkan diiradda saareysa xoojinta iskaashiga caalamiga ah, is-dhaafsiga khibradaha siyaasadeed iyo maamul, iyo doorka ay dalalka sida Soomaaliya ka qaadan karaan xal u helista caqabadaha amni iyo siyaasadeed ee caalamka.

Wafdiga Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah uga shaqeyn doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay beesha caalamka, iyagoo mudnaan siinaya sidii dalka ugaalin muuqata uga yeelan lahaa go’aamada muhiimka ah ee heer caalami.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Turkiga martiqaadka iyo soo dhaweynta diirran ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa. Waxaana uu kulamo gaar ah la yeelan doonaa madaxda iyo hoggaamiyeyaasha caalamka ee ka qeybgalaya madasha, si loo sii xoojiyo iskaashiga laba geesoodka iyo kan goboleed ee Soomaaliya la leedahay dalalka kale.

Madasha Diplomaasiyadda Antalya ayaa la filayaa inay noqoto fursad muhiim ah oo Soomaaliya ay uga faa’iideysan karto sidii ay u xoojin lahayd doorkeeda diblomaasiyadeed, isla markaana u muujin lahayd dadaallada socda ee dib-u-dhiska qaranimada iyo sare u qaadidda danaha dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *