Wararka soo garaya shabakada wararka ee wargeyska media group ayaa kasoo baxaya toogasho maanta loo gaystay Alle ha u naxariistee Taliyihii Guutada 14-ka October, Gaashaanle Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey) oo lagu dilay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa innoo sheegay in taliyaha xilliga la dilayay uu ku sugnaa deegaan u dhow Afgooye, isaga oo khudbad u jeedinayay ciidamo saf lasoo geliyay, waxaana rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada, taas oo keentay in isla goobta uu ku geeriyoodo marxuumka.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ninka gaystay falkan isna goobta lagu dilay, waxaana dhacdadan ka dhashay hadal-heyn xoogan.
Ma cadda sababta uu askariga u dilay taliyaha, waxaana haatan socda baaritaanno ay wadaan laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka oo ku aadan dilka Taliyaha Guutada 14-ka October, waxaana la filayaa in taliska uu ka hadlo.
Alle ha u naxariistee Taliye Nuur Farey ayaa ahaa sarkaal dhalinyaro ah oo firfircoon, isla markaana tababaro kala duwan ku soo qaatay dalka dibadiisa, gaar ahaan Talyaaniga.