Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Aljeeriya Mudane Axmed Attaf ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya u joogi doono Aljeris mudane, Yuusuf Axmed Xasan oo loo yaqaan Yuusuf Jeego.
Danjiraha Soomaaliya ee dalka Aljeeriya iyo wasiirka arrimaha dibedda ee dalkaasi ayaa ka wada sheekeystay xaaladaha guud ee dalka iyo xoojinta xiriirka labada dowladood.
Danjire Jeego ayaa balan qaaday inuu ka shaqayn doono sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka diplomasiyadeed ee labada dal inta uu xilka hayo